DFS iyo ASWJ Oo Heshiis Ka Gaaray Doorashada Galmudug.

0
217

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu-Sunah Waljamaaca ayaa Heshiis ka gaaray Qodobo Mudooyinkii Dambe ay isku hayeen oo Ku qotoma Kuraasta Baarlamaanka Ee Dhinaca Ahlu-Sunah.

Warsaxaafadeed Ka soo Baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib U Heshiisiinta XFS Cabdi Maxamuud Sabriye ayaa Lagu Sheegay in ASWJ iyo DFS ay ku Heshiiyeen Tirada Kuraasta Baarlamaanka ay ku yeelaneyso ASWJ Doorashadan soo socota.

Halkan Hoose Ka Daalaco War-saxaafadeedka.

Dhowr jeer oo hore Waxaa Guuldareystay Heshiisyo ay wada Gaareen Ahlusunah iyo Dowladda Dhexe iyada oo dhinacba dhinaca kale uu ku eedeeyey Burinta Qodobadii Hore loogu heshiiyey.

Balse waxaan la ogeyn waxa Heshiiskan uu kaga Duwanaan doono Heshiisyadii Hore ee Dadaalkoodii uu Noqday Hal Bacaad lagu lisay.