Maamulka G/Bari Oo Mamnuucay Isku Socodka Gaadiidka Xilli Roobab Dabeylo Wata Ay Da’ayaan.

0
185

Maamulka Gobolka Bari ee Puntiland ayaa Waxaa ay Mamnuucee Isku Socodka Gaadiidka Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Puntiland Cabdi-Samad Yuusuf ayaa Warbaahinta u sheegay in La Mamnuucay Isku socodka Gaadiidka Kala Duwan Guud ahaan Gobolka.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib Markii Gobolku ay 24-saac ee ugu Dambeysay Ka Da’een Roobab Xoogan oo Dabeylo wata kuwaasi oo Saameeyey Dadka iyo Duunyada.

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in Maamilku uu soo bedbaadiyey 3-Gawaari ah iyo 7-Qof oo kamida Rakaabkii Saarnaa kuwaasi oo ay Daadadku la tageen.

Waxaa uu sheegay in ay Muhiim tahay in isku socodka Gaadiidka la hakiyo lana Mamnuucay Guud ahaan Gobolka Bari ee Puntiland si buu yiri Khatarta Loo yareeyo.

Qeebo badan oo kamida Goboladda Puntiland waxaa ka da’ay Roobab Lixaad leh oo Dabeylo wata 24-Saac ee ugu Dambeysay.