Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab.

0
222

Hey’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Ee NISA ayaa Soo Bandhigtay Xubin katirsan Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Twiterka NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay habeenkii Xalay Gacanta Kusoo dhigeen Shaqsi katirsan Al-Shabaab oo Doonaye in uu Banbo Gacmeed Tuuro.

Warkan Kooban ayaa lagu sheegay in Banbaanada aysan Cid Wax ku noqon Ciidamada Ammaankuna ay ka hortageen in waxyeelo Kasoo gaarto Shacabka islamarkaana ay la xisaabtami doonaan Hey’adaha ku shaqada leh.

NISA ma aysan Shaacin Magaca Shaqsigan iyo Halka uu doonaye in uu Banbo Gacmeedkan ku weeraro Marka laga soo tago in ay soo bandhigtay Sawirka Wiil dhalinyaro ah.