10-Sano Ayaa Ka Soo Wareegatay Qaraxii Shaamoow.

0
217

Maanta oo ay ku beegan tahay sadexda bisha December waxaa 10 sano laga joogaa weerarkii xooganaa ee sanadkii 2009-kii ka dhacay Hotel Shamow ee M/Muqdisho.

Weerarkaasi oo lala eegtay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa ku dhintay arday, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin caan ahaa..

Maanta oo Kale 10-Sano kahor Waxaa Hotelka Shaamoow Ka Socday Munaasabad Qalin Jabin ah oo ay ku qalin jabineysay Dufcadii Labaad ee Ardeyda Caafimaadka kabaratay Jaamacada Banaadir ee Magaaladda Muqdisho.

In ka badan 30-Ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxaa oo lagu sheegay in uu ahaa ismiidaamin, waxaana dadkaa Geeriyooday kamid ahaa Wasiiro Katirsanaa Dowladda KMG aheyd ee uu Hogaaminaye Madaxweyne Sheakh Shariif Sheakh Axmed, Dhaqaatiir, Ardey iyo Dadyoow kale.

Waxaa Goobta ku baxay Ardey Rajo kalaheed in ay sii noolaadaan, waxaa Goobta ku baxay Caruur Waalidiintoodu ay mudo soo barbaarinayeen juhdi iyo dadaal xoogan ku bixiyeen, waxaa Goobtaa ku Baxay Madaxdii Mustaqbalka Ee Wadankeena.

Aan uwada Duceyno intii Musiibadaa Ku Baxday sidookalena aan u duceyno Wadankeena in uu alle inooga Dhigo mid Nabad ah si aan fursad ugu helno Barwaaqada Wadankeenu.