Howlgalo Hub Lagu Soo Qabqabtay Oo Laga Sameeyey M/Boosaaso.

0
32

Ciidamada Puntland ayaa xalay howlgallo lagu xaqiinayo amniga ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidanku ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaan lagu soo qab qabtay hub sharci darro ah iyo gaadiid lagu raad joogay.

Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi.

Waxaa uu sheegay in Howlgaladan ay yihiin Kuwa Adag shacabkuna loo baahan yahay in ay udulqaataan.

Mar uu la hadlaye Ciidamada ayuu sheegay in Ciidamada aan Howlgalkan qeyb ka aheyn ee loogu talogalay Goobaha in looga baahan yahay in ay goobahii loogu talo galay ku ekaadaan iyadda oo askarigii isaga oo hub sita laqabto laga qaadi doono Qoriga uu sito Ganaaxna uu wajahi doono.