Puntiland Oo Dalacsiisay Taliye Xaaskiisa Ku Riday Cudurka HIV.

0
37

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka D PuntlandMarkuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu Xeeriyey
  1. Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe,waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.