Howlaha Doorashada Galmudug Oo Dib Loo Dhigay. +Ujeedada.

0
46

Waxaa warar soo baxay ay sheegayaan in Gabi ahaanna Dib loo dhigay mudo 10-Cisho ah Howlaha Doorashooyinka Galmudug.

Talaabadan ayaa ka dambeysay Markii dhawaan Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya ay shaacisay in dib loo furayo Wada-hadaladda Ahlu sunnah iyo Dowladda Federaalka.

Candi samad Macalin Maxamuud oo uu dhalay Madaxa Ahlu-Sunah Macalin Maxamuud ahna Xeriiriya Arimaha Doorashada Galmudug ayaa lagu wadaa in saacadaha ina soo aadan uu gaaro magaaladda Dhuuso mareeb halkaasi oo ay ka bilaabmayaan Kulamada Wada-Xaajoodka ee ASWJ iyo DFS.

Dadka Galmudug ayaa ubaahan in Si Nabada ay ku dhacdo Doorashada Iyadda oo uu san Daadan Dhiig Sukeeeye Balse Macada Suurtagalnimada Rabitaanka Shacabka Galmudug.

Hore dhowr jeer Waxaa u guuldareystay Heshiisyo ay wada gaareen Labada dhinac oo dhinac kasta uu dhanka kale ku eedeeyey in uu Buriyey ama uu Baalmaray.

Khilaaf xoogan  ayaa u dhexeeya Hogaanka ASWJ iyo DFS kaasi oo Salka ku haya Doorashada Galmudug iyo Kuraasta  Baarlamaanka.

Ahlusunah Waxaa ay Dooneysaa in ay hesho 35-kamida Kuraasta Baarlamaanka Galmudug balse DFS ayaa Dooneysa in lagu qanciyo 15-kamida Kuraasta waana halka laga doonayo in wada hadal looga xaajoodo.