Al-Shabaab Oo La Wareegtay Gacan Ku Heynta Deegaan Hoostaga G/Gedo.

0
59

Dagaalyahano Hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay Markale dib u qabsadeen Deegaan katirsan Gòbolka Gedo.

Deegaankan waxaa lagu magacaabaa Daar-Macalin waxaana uu Qiyaastii 60-km ujiraa Magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dadka Deegaanka waxaa ay Gargaar.net u sheegeen in Deegaanku ay gacanta ku Dhigeen Dagaalyahano Hubeysan Oo katirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay dadka Deegaanku ka baqanayaan Dagaal markale dushooda Ka qarxa iyadda oo Shabaabku ay Deegaanku kawadaan Dhaqdhaqaaqyo Milatari iyadda oo Ciidamada XDS iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanayana Ay ku sugan yihiin Baardheere halkaasi oo ay kawadaan Hub uruursi.

Xaaladda Deegaanka Daar-Macalin ayaa ah Haatan mid Degen Walow Lafilankaro in Markasta uu Dagaal qarxo marka la eego dhaqdhaqaaqyada Milatari ee Socda.