Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Duuleedka Magaalada Kismaayo.

0
41

Ciidamada Huwanta ah ayaa Lagu soo waramayaa in Maanta ay dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Duleedka Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Dadka Deegaanka oo aan la xeriirnay waxaa ay Gargaar.net ay u xaqijiyeen in Xìisad xoogan ay maanta ka taagan tahay Gobolka Jubadda Hoose dadka Deegaankuna ay ka baqanayaan Dagaal Gobolka Ka qarxa.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka soo dhaqaaqeen Deegaanka Baar-Sanguuni.

Saraakiisha Hogaamineysa Howlgalkan oo ay Laxeriirnay waxaa ay inoo sheegeen in Dhaqdhaqaaqyo Ciidan ay ka bilaabeen Gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan Duuleedka Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka ah sidookalena ah Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Saraakiishu waxaa ay ujeedada ku sheegeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaanada Gobolka oo ay ka arimiyaan.

Balse dadka Rayidka ah ayaa ka baqdin qaba Saameynta ay ku yeelan karto hadii dushooda Dagaal uu ka qarxo iyadda oo marka Ciidamadan Siyaasadaha Isku Haya ay is arkaan aysan jirin Cid utureysa Shacabka labada dhinacba.