Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddi xaqiiqo raadin ah u saaray Xayiraadii Safar ee dhawaan ay sheegtay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan in lagu sameeyay xilli ay doonaysay in ay aado degmooyin ka mid ah gobolka Gedo.
Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Guddiga ka dalbaday in baaritaano lagu sameeyay sababta keentay xildhibaan loo diido in uu aado degaankii laga soo doortay, islamarkaana Garoonka Muqdisho lagu xayiro.
25 Bishaan ayay Golaha Shacabka ka hor sheegtay in xayiraad ay ku sameeyeen Ciidanka Hay’adda NISA xilli ay kusii jeeday gobolka Gedo, waxaana falkaasi cambaareeyay xildhibaano ka trsan golaha Shacabka.
Dhawaan Ayey aheed Markii Xildhibaanadu Lagu Xanibay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaaladda Muqdisho iyadda oo kusii jeeday Deegaanka Luuq Oo ah Deegaan Doorashadeeda Sida ay ka jor sheegtay Fadhiga Baarlamaanka.
Hoos Ka Daawo Muuqaal Ay kaga Hadleyso Ishortaaga Lagu Sameeyey.