Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Ajaanib.

0
243

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa waxaa ay Saakay Xabsiga u yaxaabtay Dad Ajaanib ah.

Dadkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabia ayaa tiradoodu lagu sheegay ilaa Sagaal Ruux kuwaasi oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Hargeysa.

Somaliland ayaa Dadkan Ku eedeysay in Xeebaha Maamulkaasi ay ka sameynayeen Kaluumeysi Sharci Daro ah kuwaasi oo wajahaya Iminka Xukun.

“Ragan waxaa ay Wajahi doonaan xukun adag, waxaana dhawaan la hor geyn doonaa Cadaaladda, Soomaaliland waxaa ay leedahay Sharciyo lamana Aqbali karo cidii kusoo Xadgudubtaa” waxaa Sidaas Gargaar.net u sheegay Agaasimaha Duur joogta ee wasaaradda deegaanka Soomaaliland, Naasir Xuseen.

Waxaana dhinaca kale uu xusay in Markasta Somaliland aysan indhaha Ka qabsan doonin Cidkasta oo ku xadgudubta Deegaanadeeda.