Puntiland Oo Magacawday Gudiga Gurmadka Deg-Dega Ah.

0
228

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntiland Ayaa waxaa uu magacaabay Gudiga Gurmadka Deg-Dega ah kaasi oo Ka kooban 7-Xubnood.

Gudigan ayaa ka shaqeyn doono sidii Gurmadka Loo gaarsiin lahaa Dadka ay saameeyen Roobabka Lixaad ka leh ee Saacadihii la soo dhaafay Ka Da’aye Puntiland iyo sidii wax looga qaban lahaa Jidadka Go’ay.

Halkan hoose ka akriso magacyada:

1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga).

2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland
(Xubin)

3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin)

4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin)

5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin)

6. Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin)

7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin)