Nin Laga Saaray Killi Miisaankeedu Lamid Yahay Labo Caruur Ah Oo Markaas Dhalatay.

0
38

Dhakhaatiirta dalka Hindiya ayaa qof bukaan ah ka soo saaray killi culeyskeeda uu dhan yahay 7.4 kiilo.

Miisaanka killidan ayaa waxaa uu lamid yahay laba caruur ah oo markaas dhashay.

Waxaa la aaminsan yahay in killidan ay tahay tii ugu weyneyd ee lagu soo saaro dalka Hindiya, maadaama killida cadiga ah miisaankeedu yahay inta u dhaxeysa 120 ilaa iyo 150 garaam.

Qofka bukaanka ah ee laga soo saaray killida ayaa la sheegay in uu la xanuunsanaa nooc kamid ah xanuunada ku dhaca killiyaha, taas oo keentay in buro ay ka dul baxdo killida.

Mid kamid ah dhakaatiirta fuliyay qalliinka ayaa sheegay in killiyaha noocan oo kale ay tahay wax caadi ah marka loo eego xanuunka.

Hasayeeshee diktoor Sachin Kathuria oo katirsan isbitalka Ganga Ram ee dalka Hindiya ayaa sheegay in guud ahaan aysan wanaagsaneyn in la bixiyo xubnaha jirka, haddii aysan jirin calaamado muujinaya infekshan iyo in dhig uu ku daadanayo gudaha jirka.

“Bukaankan waxaa haleeyay infakshan aad u daran, killida weynaatayna waxay keentay in naqaska uu ku dhago bukaanka, marka wadda kale nooma banaaneyn aan ka ahayn in aan bixino,” ayuu yiri.

Dr Kathuria ayaa intaasi ku dartay in dhakhaatiirta ay filayeen killi weyn markii ay qalniinka sameeynayeen balse markii ay arkeen xubintaan ay soo saareen la yaab ayay ku noqotay.

“Killidiisa kale ayaa xitaa ka weyn”, ayuu BBC-da u sheegay.

Waxa uu sheegay in killidii ugu weynayd dunida ee qof laga soo saaro ay ahayd 4.5kg inkastoo joornaalka xubnaha uu qoray inay jiraan killiyo xitaa tan ka sii weyn oo mid Mareykanka qof laga so saaray ay ahayd 9 kiilo halka mid kale oo Netherlands qof laga soo saareyna ay gaareeysay 8.7kg