Qaxooti Cusub Oo Ay Soomaali Ku Jirto Oo Soo Gaaray Ruwanda ||Gargaar.net||

0
231

Kooxdii saddexaad oo ka mid ahaa qaxootigii ku xayirnaa xarumaha Libya ayaa soo gaaray Rwanda aroortii hore ee saakay, kuwaasi oo ka mid ah qaxootiga loo dib u dajinta loo sameeynayo.

Dowladda Rwanda ayaa barta Twitter-ka ku baahisay sawirada qaxootiga soo gaaray dalkeeda.

Qaxootigaan oo ka soo jeeda dalalka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa laga soo daad gureeyay elaboorka magaalada Kigali waxaana la geeyay xarunta Gashora oo 40 kilomitir u jirta magaalo madaxda Rwanda halkaasi oo bilihii Sebteembar iyo Oktobar la geeyay qaxooti kale oo gaaraya 189 qof.

Dib u dejintan ayaa waxay qeyb ka tahay heshiiskii u dhaxeeyay dowladda Rwanda hay’adda Qaramada Midoobay u qabilsan qaxootiga iyo Midowga Yurub.

Waxay ku heshiiyeen in Rwanda ay dib u dejin u sameyso 500 oo ka mid ah muhaajiriinta ku xayiran dalkaasi Libya kuwaasi oo gaarayaa ilaa 4000 oo qof. Waxay Libya tageen iyagoo doonaya inay si sharci darro ah ku galaan dalalka Yurub.