Muqdisho: Xildhibaan Laga Hor Istaagay in Ay Ka Dhoofto Airpor-ka

0
188

Xildhibaan Dalays Xasan Aada oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in maanta is hortaag lagu sameeyey, xilli ay dooneyso inay ka dhoofto garoonka Muqdisho.

Dalays oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay inay ku sii jeeday degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeda.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in amarka lagu celiyey ay bixiyeen saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

“Waxaan u socday Degmeda Luuq oo ah Deegaan Doorashadeyda, Mudooyinkan Waxaan la soconay oo isoo gaaraysay cabasho dadka deegaanku ka imaaneysay kuwaasi oo ka cabanaye Ciidamo Ethobian ah oo dadku Cunaha Dhagan taasi oo Dowladuna ay tahay mid ay iuaduba lug ku leedahay” ayey tiri Daleys.

Talaabadan ayaa ah mid lid ku ah Xasaanada Coldhibaanadan Baarlamaanka waxaase dadku ka dhur sugayaan waxa cigi doona Xayiraada Socdaalka Xildhibaan Dalays madaama Arintan ay tahay mid Baalmarsan Dastuurka.