Muqdisho: Ganacsatada Hilibka Geela Oo Shaqo Joojin Sameeyey iyo Dadkii Oo Dareemay. ||Gargaar.net

0
195

Dadka Magaaladda Muqdisho ayaa Maanta Siweyn u dareemay Suuqyadda Muqdisho oo Saakay aan lagu arag Hilibkii Geela.

Arintan ayaa timid Kadib Markii uu khilaaf soo kala Dhexgalay Ganacsatada Hilibka Geella iyo Gadisleyda ama Dadka Magaaladda Keena Geella.

Inta Badan Dadka Reer Muqdisho ayaa Aad u isticmaala Hilibka Geella iyadda oo Khamiista Maanta ahna Magaalada Caasimada  ay noqotay mid Dadku ay isweydiiyaan Oo ay Hadal heynta ugu Badanna ay noqotay Hilibkii Geela oo laga waaye Suuqyada Hilibka lagu iibiyo Ee Magaaladda.

Ganacsatada Hilibka Geella ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin kadib markii khilaaf ay soo kala dhex-galeen Ganacsatada Hilibka iyo kuwa Magaalada Keena Geella.

Axmed Cabdi Mu’min Waxaa uu kamid yahay Ganacsatada Muqdisho Ku iibisa Hilibka Geela waxaana uu Gargaar.net u sheegay in Ganacsatadu ay Go’aansadeen Shaqo joojin mudo sedex Cisho ah kadib Markii Ganacsatada Geela Keenta ee Gedisleyda looyaqaano ay Lacago Ku Kordhiyeen Qiimaha Geela.

Axmed Waxaa uu rajo kamuujiyey in Khilaafkan Xal loo heli doono Khilaafkan mudada Shaqa joojintu Socoto isaga oo tilmaamay in Waqtiganna ay socoto kulamo Xal Loogu raadinayo khilaafkan.