Feysal Cali Waraabe:- “Lama Shaqeyn-Doono Gudiga Cusub Ee Doorashooyinka”.

0
217

Dhawaan Baarlamaanka Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Soomaaliland ayaa Coq aqlabiyad leh Ku Ansaxiyey Lix Xubnood oo kamida Gudiga Doorashadda Soomaaliland Balse arintaas waxaa ka soo horjeestay Axzaabta Siyaasadda.

Eng: Feysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ahi ee UCID ayaa Sheegay in Gudigan Cusub habayaraate aysan dhex maridoonin Wax wada shaqeyn ah.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay in aaney Xisbiyado la shaqeyneynin gudiga doorashada Soomalind ee dhawaan la ansixiyey.

Sidoo kale Feysal ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday In arinta guddiga ay walaac badan ka muujinayaan xisbiyada , islamarkaana waxaa uu ku baaqay in arintaasi ay muhiim tahay in isbedel Balaaran lagu sameeyo.