Farmaajo:- “Kun Siyaasiyiin Careysan Ayaa Banaanka Taagan Oo Shaqo-Doon Ah”.!!

0
223

Maaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Saxaafadda Kula Hadlaye Magaaladda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa ka hadlay Guud ahaan Xaaladda Wadanka Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in Dowladiisu ay Wax badan Qabatay mudada Sedexda Sano ah oo ay jirta oo ay fahantay Dhibaatada heysata Dalka.

“Mudadii Sedexda Sano ah oo ay jirtay Dowladan waxaa ay qabatay wax badan, Waxyaabo kalena wey u harsan yihiin, Waxaan Fahannay Broblemkii Dalka Heystay”ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waxaan ka Gudubnay Iskudhac ama khilaaf soo kala dhexgala Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarahiisa, Waxaan ka gudubnay khilaaf soo kala dhexgala Baarlamaanka iyo Xukuumada oo ah labo hey’adood oo kala howl ah, Waxaan ka shaqeynay sidii Hey’adihii Dowladda ay unoqon lahaayeen kuwa isla shaqeeya”ayuu yiri Farmaajo

Waaa uu ka hadlay arinta Mucaaradka Dowladda oo uu sheegay in ay yihiin kuwa hore usoo dhadhamiyey xil Dowladeed Doonayana in markale ay Kursigaa ku laabtaan.

“Mucaaradadu waa kuwa Macaaniga hore u soo dhadhamiyey oo doonaya markale, Qaarkood wey aamisan yihiin qaarkoodna Wey qeylinayaan oo weyba is qarin la’ayihiin” Ayuu hadalkiisa Raaciyey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Muran dhinaca Badda ah kala dhexeeyaa Dowladda Kenya iyadda oo murankaa uu Sabab unoqday in uu meeshii ugu xumeed gaaro Xeriirka Labada Wadan

Madaxweyne Farmaajo Waxaa uu sidookale uu ka hadlay arinta Laxeriirta Dhibta Dowladaha Deriska Waxaana uu sheegay in Dowladii iyagga kamida oo danaheeda kaa weydo ama khilaaf uu ina dhexmaro ay noqotay halka ay inaga soo weerarto Maamul-Goboleedyada, Siyaasiyiinta Careysan, Baarlamaanka Ama halkii kale oo ay isleedahay Waad kamari kartaa.

Ugu dambeyntii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kunool Nairibi ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Dib u dhiska Dalka iyo sidii loogu gurman lahaa Dadka Soomaaliyeed oo ay waxteeladu ka soo gaartay Fataahadaha Wabiyadda oo xilligan Nolol adag ku wajahaya Goboladda Dalka.