Horjooge Katirsan Al-Shabaab Oo Duqeyn Lagu Dilay.

0
213

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibbadooda Soomaaliya ay Shalayto weerar xagga Hawada ah ay ka fuliyeen meel ku dhow Degmada Jilib , isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsanaa  Al-Shabaab.

Africom Ma Aysan Shaacin Magaca Horjoogahan Ay Ku Faanayaan iyo Xilka Uu Ka Haye Xarakada Al-Shabaab Balse waxaa ay Qoraalkooda ku sheegee  oo kaliya in Ay Dileen Horjooge Katirsan Al-Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si taxaddar leh loo fuliyay, isla maraakana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin Dadka Raidka ah ee ka ag dhowaa halka ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa Sanadkan 2019-ka waxa uu kordhiyey weerarrada xagga Cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, ee uu la Beegsanayo Goobaha Ay Ku Tuhmayaan in ay ku sufan yihiin Dagaalyahanada iyo Saraakiisha Al-Shabaab.

Waxaana Xusid mudan in Dhowr jeer oo hore ay Duqeymaha Diyaaraduhu ay waxyeelo Ba’an ka soo gaartay Dad Rayid ah iyadda oo aysan jirin Cid iska warsata.