Ciidamo Katirsan AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay D/Mahadaay.

0
194

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax xoogan ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay gudaha degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay ku lugeynayeen gudaha degmadaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa baahisay in ay la eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aysan cadeyn inta uu la egyahay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah maamulka degmada Mahadaay iyo taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada maamulka HirShabelle.