Ra’isul-Wasaare Kheyre Oo Gaaray Degmeda Bardaale.

0
229

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Degmeda Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdiga Ra’isul wasaaraha waxaa Bardaale kaga sii horeeye Madaxweyne Lafta Gareen oo ah Madaxweynaha Maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya.

Ujeedada Socdaalka Wafdiga Ra’isulwasaare Kheyre ee Socdaalka Bardaale ayaa ah sidii ay qiimeeyn ugu sameyn lahaayeen Xaaladda Dadka Deegaanka oo ay saameeyeen Fatahaada.

Marka Xasan Cali kheyre uu gaaray Bardaale waxaa kusoo dhaweeye Madaxweyne Cabdulcasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen iyo Odayaal iyo Waxgaradka Degmeda.