Muqdisho: Dhalin-yaro Isku Xilqaantay Ugurmashada Dadkii Ay Saameeyeen Fatahaadaha.

0
205

Dhalinyaro Is-Xilqaantay Oo Kunool Magaaladda Caasimada Ah ee Muqdisho ayaa si iskood ah ugu kacay Gurmadka Dadka Fataahaduhu ay saameeyeen ee ku nool Goboladda Dalka.

Qaar kamid ah dhalinyaradda Muqdisho ayaa bilaabay olale ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha Webiyadda dalka.

Da’yarta oo si iskood ah isku xilqaamey ayaa waxay lacago ka uruurinayaa mehradaha, waratadda iyo gaadiidleyda iyaga oo weydiinaya wuxuu awooda.

Roobab Lixaad leh oo Ka Da’ay Goboladda Dalka Soomaaliya ayaa Sababay in Fataahado Ay Sameeyaan Wabiyadda Jubba iyo Shabelle.

Magaaladda Beled-Weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ah Meesha ugu Daran iyadda oo Roobabkii Da’ay ay sababeen in Wabiga Shabelle ee Mara Bartamaha Magaaladda uu Qarqaarka Jabsado iyadda oo ay ka Barakaceen Kumanaan Qof.

Dadkii ka barakacay Magaaladda ayaa Xilligan ku sugan Badankood Duuleedka Magaaladda iyadda oo ay halkaa ku heysato Xaalad Nololeed oo Aad u daran.

Dadka ay Saameeyeen Fatahaadaha Wabiyadda Jubba iyo Shabelle ayaa Ubaahan Gargaar Deg Deg ah iyadda oo Dunidu ay tahay Meesha Kaliya ee Bini’aadamku isku garab siiyaan.