Duufaano Ku Wajahan Xeebaha Puntiland iyo Somaliland.

0
257

Waaxda ha’yadda FAO u qaabilsan maareynta biyaha iyo dhulka Soomaaliya ayaa digniino kasoo saartay dufaanno la filayo inay ku dhuftaan xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Duufaanta oo loogu magac daray KYARR ayaa ka imaaneysaa dhinaca badweynta Hindiya , waxaana lagu wadaa in maalmaha nagusoo aadan ay ku dhufato deegaanada xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in roobab mahiigaan ah ay ka da’aan deegaanadaas.

Ha’yadda FAO ayaa shacabka ku nool deegaanada xeebaha Puntland iyo Somaliland ugu baaqday inay feejignaadaan maadama duufaanta ay khasaare geysan karto.

Waxaa sidoo kale la sheegay in duufaanta ay saameyn ku yeelan doonto gaadidka badda iyo fatahaado ka dhalan doono roobabka.