(AKHRISO):- Dalabka Xeer-Ilaalinta Puntiland Ee Ahaa In Xasaanada Laga Qaado Xildh: Cawil Daad.

0
204

Maxamad Xareed oo ah ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in Baarlamaanka ay u direen warqad ay ku codsanayaan in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad.

“Qoraalkan waa codsi xasaanad ka qaadis iyo ogolaansho ku soo oogid dacwad ciqaab ah oo lagu qaado xildhibaan ka tirsan golaha Wakiillada Puntland”, ayuu yiri Maxamed Xareed. Wuxuu inta ku daray in xildhibaankaas uu “ku xadgudbay qawaaniinta iyo dastuurkadalka u degsan dalka.”

Xildhibaanka wuxuu su’aal weydiiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Sabtidii furay kullanka 45-aad ee baarlamaanka.

“Mudane Madaxweyne, waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkaaga,” ayuu su’aashiisa ku billaabay Xildhibaan Cawil oo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka dalbaday “in ay is casilaan”.

Balse Xeer-Ilaalinta Puntland waxay sheegeysaa in xildhibanka uu “jebiyay” qodobo ku xusan dastuurka Puntland oo ay ka mid yihiin kuwa ciqaabta.

“Waa hadallo qadaf ah oo uu u ekeysiiyay su’aalo oo uu u soo jeediyay golaha xukuumadda”, ayuu yiri Maxamed Xareed.

Xeer-Ilaaliye ku xigeenka wuxuu ku celceliyay “in iyagu aysan xasaanadda ka qaadi karin” xildhibanka balse baarlamaanka ay u qoreen warqad ay arrintaas ku dalbanayaan.

“Haddii baarlamaanku xasaanadda ka qaadaanna waan eedeyneynaa, waxaanna horgeyneynaa maxkamadda, wuxuuna la kulmayaa ciqaabta uu ka mudan yahay qodobbada uu u gefay”, ayuu hadalka kusii daray.

“Xurriyatul qowlka jaantaa rogan ma aha. Waddanku nidhaam buu leeyahay. Shuruuc ba taalla, dastuur baa yaalla cidkastoo xil kasta haysa, sharciga ayaa ka sarreeya”, ayuu ku adeystay Xareed.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay baarlamaanka oo warqadda codsiga loo diray. Xildhiban cawil Xasan Daad-na weli wax war ah kama uusan soo saarin warqadda lagu dalbaday in “xasaanadda laga qaado