Shirka Madasha Arimaha Bini’aadannimo Oo Ka Furmay Muqdisho.

0
223

Shir ku saabsan madasha Arimaha bini’aadanimo ee dalka,isla markaana  ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Xfs, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka qeybgaleen guddiga gurmadka qaranka ,deeq bixiyaasha, ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha gargaarka , ururada bulshada, waxaana looga hadlayaa sidii looga jawabi lahaa fatahaada wabiyadda shabeelle iyo jubba iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay deegaanadaasi.

Deegaano Kamida Goboladda Hiiraan,Bakool,iyo Gedo waxaa ka dhashay Fatahaado ay sameeyeen Wabiyadda Jubba iyo Shabelle iyadda oo ay Sababeyn Dhimashada Muwaadiniin Soomaaliyeed iyo Barakac Xoog leh.

Dadka Guryahooda ka barakacay ayaa la sheegayaa in ay xilligan heysato Xaalado Bini’aadannimo oo Aad udran.