Beledweyne: “Qaxa Sanadluhu Xal Maahan” Warbixin.

0
90

Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Waxaa Ka Taagan Dhibaato.Baahsan oo Ka Dhalatay Markii uu Fatahaad Xoog leh Sameeyey Wabiga Shabelle ee Mara Bartamaha Magaaladda.

Dadka Beledweyne Waxaa ay Noqdeen Mid Wabiga Markii Uu Gura U Ooya, Markii Uu Biyo Keenana Ka Ooya.

Kumanaan Qof ayaa Magaaladda isaga Barakacay Kadib Markii Uu Fatahay Wabiga kuwaasi oo Xilligan ku Dandareysan Duuleedka Magaaladda.

Inkastoo Maamulka Hirshabelle uu yahay mid Curdun ah hadana waxaad Moodaa in aysan jirin Talaabo uu u qaaday Maamulku Sidii looga Hortagi lahaa dhibaato Ka dhalata Fatahaada Wabiga iyadda oo ay jirto Talaabooyin Uu Qaadi karay Awoodna ulahaa Maamulku.

 

 

Tabar Ama Tabar Dari.

Guud ahaan maamulka Hirshabeelle iyo midka gobolka Hiiraan waxay leeyihiin awoodo dhaqaale iyo mid bulshadeed oo dayacan ama aan si wanaagsan loo jihayn, waxaa intaas dheer iyada oo uusan jirin qorsho loogu talagalay xakamaynta fatahaadda oo ah Mid Soo Noqnoqotay.

Webiga Shabeelle ayaa noqday mid marka uu gurana loo ooyo marka uu fatahana laga ooyo.

Dadka ku nool magaalada B/weyne ayey haysatay dhibaato dhaqaale oo u gaar ahayd dantuna badday adeegsiga lacagaha qalaad ama adeegga EVC-ga iyadoo uusan magaalada ku noolaan karin qof aan mobile lahayn, waxaa intaas u dheer duruufaha kale oo ay guud ahaan la wadaagaan gobollada kale ee dalka.


Canshuurta laga qaado gobolka Hiiraan ayaan lagu bixin adeegga bulshada laga soo uruuriyey, hal jawaan oo carro ah oo webiga jiinkiisa lagu teedo xataa qayb lagama siin lacagaha la soo xerooda gobolka.

Madaxda mar walba la isku beddelayey kama mid ahayn mid maalin qura qorshaha ku darsaday inuu yareeyo dhibaatada fatahaadda webiga. Waxaa la gabay in si iskaa wax u qabso ah bulshada loo hawlgeliyo si looga baxo qaxa joogtada ah ee ay gelayaan maato aan hore wax u haysan.

Sanad Kahor Boqolaal Ardey Ah Ayaa Imtixaanaadka Ka Baaqday Markii Uu Fatahay Wabiga Shabelle.

Macaluusha laga dhaxlo goobaha looga baxsado fatahaadda webiga kama dhibaato yara waxyeellada biyaha laga cararay, adeegyadii waxbarasho iyo kuwii caafimaadba saamayn weyn ayey fatahaaddu ku yeesheen.

Sanad ka hor ayey aheed Markii Wabiga Shabelle uu Ku Fatahay Beledweyne iyadda oo uu Xilligaa Ku Sugnaa Madaxweyne maxamed Cabdi Waare waxaadse moodaa in Hirshabelle ay Dayacday Sidii Ay Bulshada uga Badbaadin laheed Waxyeelo ama Dhibaato ka dhalata Fatahaad uu Sameeyo Wabiga iyadda oo Cashir Laga Baranayo Fatahaadihii Hore.

Madaxda heer maamul goboleed iyo kuwa gobolka Hiiraanba cudur daar uma noqonayso shir jaraa’id oo biyo dhexdooda lagu qabto iyo baaq beesha caalamka loo diro, waxaase looga fadhiyaa qorshe waxqabad sanadle ah oo looga hortegayò fatahaadda webiga shabeelle, sidoo kale waxaa la gudboon madaxda heer qaran iyo kuwa Hirshabeellaba in miisaaniyaddooda qayb uga qoondeeyaan musiibooyinka soo noqnoqda oo ay fatahaàddu ugu horreyso.

Ugu dambayn xildhibaannada iyo wasiirrada laga soo doorto maamul goboleedka Hirshabeelle waa in lagu qiimeeyaa sida ay ula falgalaan wax u qabashada dadka ku dan darreýsan bannaanka magaalada Beledweyne.

W/Q:- Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan.

W/D: Zakariye Maxamuud Cali Qaran.

Gargaar.net  “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”.