Waa Sidee Xaalada Dadkii Ka Barakacay Fatahaada Beled-Weyne.?

0
254

Dadka Magaaladda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Bilaabay in ay isaga Barakacaan Magaaladda Tan iyo Markii Wabiga Shabelle ee Mara Bartamaha Magaaladda uu Bilaabay Fatahaado Xoog leh Maalin ka hor.

Boqolaal Qoys ayaa Guryahooda isaga Barakacay kuwaasi oo ay Sameyn ku yeelatay Fatahaada Wabiga.

Maamulka ayaa sheegaya in fatahaadda webiga iyo roobbabkii dhawaan ka da’ay buuraha ku teedsan magaalada ay barakiciyeen inta badan dadkii daganaa magaalada oo isugu tagay dhulka sare gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale.

Sidoo kale ganacsatada magaalada ayaa saaka bilaabay inay alaabahooda kala baxaan bakhaarada ku yaala suuqa si aanay waxyeello uga soo gaarin biyaha socda.

Magaaladda Beled-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Noqotay mid ay Biyo Buux dhaafiyeen iyadda oo Boqolaalkii Qoys ee Isaga Cararay Fatahaada Xaalado Nolol oo Halis ah ay ku heysato Duuleedka Magaaladda iyo Deegaanadda Ku Tetsan Beled-weyne oo ay Maciin bideen.

Waxaa ay xilligan u baahan yihiin Garab is taag iyo in Ay helaan Gargaar Bini’aadannimo oo Deg Deg Ah.