Odawaa: “DFS Iyo ASWJ Ha Joojiyaan Dhismaha Gudiyada, Xareynta Odayaasha Dhaqanka, iyo Daabulida Ciidamada Gaar Ahaan Kuwa Xamar”.

0
208

Musharax Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa ayaa Shir Jaraa’id uu qabtay waxaa uu kaga hadlay Fanqaladihii Siyaasadeed ee Maalmihii ugu Dambeeyey Ka Dhacaye Galmudug.

Waxaa uu shirkiisa Jaraa’id kaga Hadlay Dhismaha Gudiyadda Doorasho oo ay dhawaan ku kala Dhawaaqeen Wasaarada Arimaha Gudaha XFS iyo Maamulka Ahlu Sunah Waljamaaca oo uu sheegay in ay ka dhigan tahay in Lagu Doonayo in Galmudug Lagu Marin habaabiyo.

Odawaa Ayaa Dowladda FS iyo ASWJ ugu Baaqay in ay Joojiyaan Dhismaha Gudiyadda, Xareynta Odayaasha Dhaqanka, iyo Daabulida Ciidamada Gaar ahaan kuwa Xamar laga qaadayo.

Waxaa uu ugu Baaqay Ahlu-Sunah iyo Dowladda Federaalka in ay iugu yimaadaan Miiska wada hadalka oo ay ka Fogaadaan in ay Baalmaraan Dastuurka Dalka iyo Baadigoobka loogu jiro Galmudug Mid ah.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha Ciidamada ayuu sheegay in Ciidamadda DFS ee Lagu soo Daabulay Dhuuso-mareeb Looga baahan yahay in ay Ka Fogaadaan Colaadaha iyo Siyaasadda sida Uu qabo Dastuurka Dalka.

“Magaaladan DhuusoMareeb  Shalay waxaa la keenay 100-Kamida Ciidamada Gorgor, Maantana 100-kale, isku geyn waxaa jooga in kabadan 500- Oo kamida Ciidamada GORGOR iyo DANAB, Waxaase laga Doonayaa Ciidamadu in aysan ku dhex milmin Colaadaha iyo Siyaasadda”Ayuu Yiri Odawaa.

Waxaa uu sidookale Baaq u diray Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee ku sugan Deegaanada Galmudug.

“Ciidamada AMISOM Waxaan ugu Baaqynaa in ay ka fogaadaan Siyaasadda oo ay marnaba ku dhex milmin waxaa ay joogaan meel Laga Jecel yahay Oo laga Taageersan yahay ujeedada ay soomaaliya ujoogaan oo ah Nabad ilaalin” ayuu sidookale Yiri Odawaa Musharaxa Madaxweynaha Galmudug oo Horeyna Xilal uga soo qabtay Dowladii Tan ka Horeysay.