Shirka Madasha Iskaashiga Africa Iyo Ruushka Oo Furmaya.

0
213

Shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Africa Ayaa Maanta Ka Furmaya Magaalada Sochi Ee Dalla Ruushka.

Shirkan waa mid Sanadkiiba Mar Laqabto waxaana La Filayaa in Sanadkan Diirada Lagu Saaro Xeriirka Iskaashi Ee Ka Dhexeeya Africa iyo Ruushka.

Waxa Ka Qeybgalaya Hogaamiye-Yaasha Dalalka Qaarada Africa Kuwaasi Oo Mid Walba Shirkan Uga Faa’ideysan Doono Danaha Dowladaha Ay Matalaan iyaga Oo Madasha Ku soo Bandhigi Doono Fursado Maalgashi ama Qorshe Yaal wax ku oola oo ay Ruushka kaga Faa’ideysanayaan.

Dhinaca Soomaaliya Waxaa Shirkan ku Matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda isugu imaan doonto shirkaasi.

Ka qeyb galka shirkan ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim ah, iyadoona ka faa’iideysan doonto ganacsatada iyo martida kale ee lagu casuumay madasha Afrika iyo Ruushka.