Safiirka Mareekanka Ee Kenya: Majiro Kulan Aan Muqdisho Kula Yeeshay Farmaajo.

0
254

Safiirka Mareekanka ee Kenya Kyle McCarter Ayaa Waxaa uu sheegay in ay Tahay been aan sal iyo raad toona laheyn warka la xeriira Kulanka Muqdisho ku dhexmaray Isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in kulankaa uusan jirin sidookalena Farmaajo uusan Kala Hadlin Arin la xeriirta Muranka Dhinaca Badda ee ka Dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Wargeyska ugu afka dheer Dalka Kenya ee Daily Nation la yiraahdo ayaa Dhawaan daabacay Kulan Muqdisho ku dhex maray Safiirka iyo Madaxweyne Farmaajo iyagga oo soo xiganaya Wareysi ay la yeesheen Safiirka.

Balse Kyle McCarter ayaa Tilmaamay in Markii uu Muqdisho Yimid uusan Lakulmin Farmaajo Oo uu lakulmay kaliya Lataliye-yaashiisa oo ay isla soo qaadeen in Mareekanka ay Fududeyso Wada-hadali lagu soo afjaro Xasaradaha Siyaasadeed ee Labada Dal.

Kyle McCarter ayaa Xusay in Xubnaha uu la kulmay uu u sheegay in Labada Dal ee Soomaalya iyo Kenya ay leeyihiin Hal Cadow oo ah Dagaalyahanada Al-Shabaab loona Baahan yahay in Isku duubni Loola Diriro si Loo Wiiqo Awoodooda Balse sida Hadalka Loo dhigay aysan xaqiiq aheyn.

Markii Daily Nation Ay Daabacday Warbixintan ayaa waxaa ka dhashay Falcelino Fara Badan iyadda oo Dad Fara Badan Oo Soomaaliyeed ay ka aragti bixiyeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ka Jawaabtay Hadalkaa waxaana Safiirka Soomaaliya ufadhiya Kenya uu sheegay in aysan jirin kulan Muqdisho ku dhexmaray Kyle McCarter iyo Farmaajo wararka la xeriirana ay tahay been la soo dhoobdhoobay.