Qaramada Midoobe: Kumanaan Qof Ayaa Ka Barakacay Fatahaada Beledweyne.

0
243

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ka badan 72,000 ay barakaceen daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay bartamaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Waxay sidoo kale sheegtay in boqolkiiba 40 magaalada ay la wareegeen fataahadaha isla markaasna ay saameeyeen shacab badan.

Waxay fataadaha ka dhasheen markii uu fatahay webiga Shabeelle ee dhexmaro magaalada.

Deegaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaa ka da’ay roobabka deyrta, waxaana ka dhashay fatahaado dhibatooyin geystay.

Mas’uuliyiinta gobolka waxay ha’yadaha gargaarka ka codasdeen inay lasoo gaaraan gurmad deg deg ah maadama xaaladda banii’aadanimo ay sii xuumatay.