Mas’uulkii Labaad Oo Iska Casilay Gudigii Doorasho Ee uu Magacaabay Sheakh Shaakir.

0
192

Iyadda oo Maanta Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheakh Shaakir Cali Xasan uu ku dhawaaqay Xubnaha Gudiga Doorashadda Iyo Xalinta Khilaafaadka Maamulka Galmudug oo ka kooban 11-Xubnood ayaa waxaa isi soo taraya Xubnaha iscasilaya.

Waxaa Goordhaw warbaahinta u sheegay in uu iscasilay Gudoomiye ku xigeenkii Labaad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin oo kamid ahaa Gudigii uu Magacaabay Sheakh Shaakir.

Maxamed waxaa uu sheegay in uusan diyaar u aheyn raalina uusan ka aheyn Xubinnimada Gudigaaas sidaas Darteedna uu iska Casilayo Xubinimada Loo Magacaabay.

Saacado kadib Magacaabistii Sheakh Shaakir waxaa is casilay Cabdi shakuur Ciise Xaashi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug oo Xubin Ka Ahaa Gudigan.

Cabdi Shakuur Ciise Xaashi kana mid ahaa Xubnaha Gudiga sidoo kalena ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug ee dhinaca Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in uu is casilay sababtuna ay tahay in aan lagala tashan ka mid noqoshada Gudigaasi raalina uusan ka aheyn.

Halkan Hose ka Akhriso Magacabistii Sheakh Shakir

Ahlu-Sunah Waljamaaca ayaa hore uga Hortimid Gudigii Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug oo ay Magacaawday wasaaŕadda Arimaha Gudaha iyo Dib-U-Heshiisiinta XFS kaasi oo ka Koobnaa 13-Xubnood.

Balse waxaa Dadku isweydiinayaan Hadii is-Casilaada Xubnahan 11-ka ah ee Ahlu-Sunnah ku dhawaaqday ay sii socoto waxa xigi kara.