Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Magacaabay Labadiisa Ku Xigeen.

0
276
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) ayaa Isniinta Maanta ah Magacaabay Labadiisa Ku Xigeen.

Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Ku Xigeenka 1,Aad ee Maamulkaasi uu Noqonayo Maxamuud Zayid Aadan Oo Hore Xilkan Uhaye iyo C/Qaadir Xaaji Maxamuud oo Noqonaya Madaxweyne Ku Xigeenka 2,Aad ee Jubbaland oo isaguna Horey Xilkan Usoo Hayey.

Talaabadan ayaa Noqoneysa Mid ay aad ula fajaceen Siyaasiyiinta iyo Dadka Daneeya Arinta Soomaaliya iyadda oo Falanqeeye Yaasha Arimaha Soomaaliya ay u arkaan Talaabo dib u dhac ukeeni karta Maamulka Jubbaland.

Iyadda oo ay xusid mudan tahay in Hore Doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo oo ay Dowladda FS Diiday hanaanka loo maray ay ugu soo baxeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamilkaas, Labadiisa Ku Xigeen iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.