Deni Oo Magacaabay Gudoomiye Yaal Gobol Kuwa Kalena Xilka Ka Qaaday.

0
275

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay :  Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey :   Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:   Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
  1. Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhammaad