Naigeria: 150- Ardey Oo Laga Soo Bed-Baadiyey Dugsi Qur’aan Loogu Geestay Jirdil iyo Tacadiyo Kale.

0
219
Image caption: Boolisku waxay sheegen in qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku xirnaa ay ka mid ahaayeen cauur shan sano jir ah

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen 150 ardey oo wax ka dhiganeysay Dugsi Quraan iyo xarun dadka lagu tarbiyeeyo oo ku taal gobolka Kaduna.

Waxaana kamid ahaa ardeyda lasoo badbaadiyay 22 haween ah oo ku sugna malcamadda.

Waa howlgalkii afaraad muddo bil gudahood oo ay ciidammada Nigeria kusoo badbaadiyaan ardey gaareyso 1,000 oo lagu hayay malcamadda kuwaas la sheegay in jirddil loo geystay.

Booliska gobolka Kaduna waxay sheegeen in ardeyda jirddil iyo tacaddiyo loo geystay.

Mid kamid ah Dugsiyada ardeyda laga soo baadbaadiyay wuxuu ku yaal magaalada Daura oo ah halka uu kasoo jeedo madaxweyne Muhammadu Buhari.

Mid mid ah raggii ku jiray ”aqalka jirdilka” oo ay booliska ka soo badbaadiyeen dhawaan ayaa halkaasi ku tilmaamay ” Sida naarta oo kale’.