DFS Oo Hub Iyo Saanad-Ciidan Ka Dejisay Hobyo + Ujeedada.

0
215

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay hub iyo saanad ciidan ka dajisay dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi doomo looga qaaday dekedda weyn ee Muqdisho, laguna geeyey xeebta magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hubkan loogu talaya ciidanka dowladda, qeybta 21-aad oo howlgallo ka wada gobollada Mudug iyo Galgaduuud.

Saraakiil katirsan Ciidamadda Xooga Dalka Qebta 21-aad oo Lahadlay Gargaar.net waxaa ay sheegeen in Hubkan uu yahay Mid loogu talagalay Guutada 21-aad ee Ciidanka Xooga oo Dagaal kula jira Al-Shabaab.

Dhawaan Ayey aheyd Markii La iclaamiyey Dagaal Ka dhan ah Al-Shabaab oo kabilaabma deegaanada Galmudig kaasi oo Shabaabku looga saarayo Deegaanada Ay Ka Arimiyaan.