Waxa La Sameeyo Hadii Aad Necebtahay Qofka Madaxda Kuu Ah.

0
65

“Dhab ahaan anigu shaqadeyda waan jecelahay balse waxaa madax kuu ah oo neceb waxa aad qabaneysid ama isku dayaya waxa aad qabaneysid oo dhan uu liido, xaqiiqdi qofka noocaasi wuxuu dilayaa firfircoonidaada shaqo” ayuu yiri Craig (oo magaciisa saxda la baddalay).

Ugu horreyn, nin madaxda u ah waa uu jeclaa balse wuxuu isbeddelay marki uu arkay iyada oo aad ugu qeylineyso nin kaaliya u ah oo shaqaalaha ka mid ah.

Waxa ay isku hayaanna waxay ahayd arrin iska fudud oo ay si fudud wadahadall ugu dhammeyn karaan, halka ay ku qaylin lahayd dadka hortiisana ay u ceebeyn lahayd maadaamaa uu yahay qof ixtriaam ka mudan.

‘Waxyeellada Maskaxeed’

“Si tartiib tartiib ah ayey hadalladu billaabeen inay iisu beddelaan, hadaladiina waxay noqdeen kuwa aan xishood lahayn oo cadho, cadowtinimo iyo is ixtiraam la’aan ay ka dhalan karto.”

Wuxuuna sheegay “maskaxdaada inuu dhaawac soo gaarayo” markasta oo aad la shaqeyso dad noocaasi ah. “Waxayna sida oo kale saameyneysaa xiriirka shaqsi ahaaneed ee aad bulshada inteeda kale la leedahay” ayuuna sii raaciyey.

“Marka aad la shaqeyneyso qof madax kuu ah oo aan wanaagsaneyn, oo marwalba gardaroo kuugu maagayo, wuxuu aad uu u dhaawacayaa kalsoonidaada.

“Shaqo wanaagsan ma qabaneysid, farxad ma dareemeysid, horumar badanna ma sameyn kartid.”

Sida ay tilmaameyso daraasad ay sameeysay hay’adda CIPD 7% dadka shaqooyinka kala duwan haya kama helaan sida ay ula dhaqmaan madaxdooda . Craig wuxuu la mid yahay dadkaasi.

‘Waxyaabo yaryar ah’

Mararka qaar shaqaaluhu waxay qofka madaxa kuu ah kala kulmaan caddaalad darro iyo culeyska shaqo oo ay saaraan, ayuu yiri Ben Willmott oo ah madaxa siyaasadda bulshada ee CIPD.

“Inta badan waxyaabaha yaryar ayaa horseedi kara dhibaata aad u weyn” ayuu yidhi.

Damian Beeley wuxuu sheegay qof horay madax uga soo ahaa inuu "ku xadgudbay sharaftiisana uu hoos u dhaigay"

‘Si adag oo qoto dheer u fakar’

Mr Willmott wuxuu sheegay mas’uulka wanaagsani inuu yahay mid aad uga warqabo noolasha iyo xaaladda shaqaalahiisa sida inuu carruur leeyahay, inuu doonayo xilliyada ciidaha inuu carruurtiisa la ciido iwm.

“Haddii aadan shaqaalaha dan ka lahayn habayaraatee wax kaslooni iyo xiriir ah kama sameysan kartid shaqaalahaaga, waxaad la mid ah qof bacaad dhismo ka dul dhisayo,” ayuu yiri.

Marka inta uu qofka maamulka wax sameyn waa in “si qoto dheer oo adag uu u fakaraa” sidi uu dhaqanka noocaasi uu wax uga beddeli lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Damian beeley oo xiriirka dadweynaha u qaabilsanaa hay’ad la talinta ka shaqeeyso wuxuu hadda maamule ka yahay shirkad gaar loo leeyahay, wuxuuna yiri arrinta adiga iyo qofka mas’uulka idinka dhaxeysa haddii ay tahay mid shaqsi ah oo aan shaqada wax xiriir la lahayn, waxaa qofka shaqaalaha ah la gudboon inuu shaqa kale raadsado.

“Haddii aad adigu jecleen iyaguna ay sida oo kale ku jecleen, taasi waxay ka dhigan tahay inuu meeshaa wax isbeddel ah ka soo socon,” ayuu yiri.

Adam Whatson

Adam Wahston wuxuu ka warramayaa waxa ay shaqaalaha uu mas’uulka ka yahay isagu ka aaminsan yihiin.

Wuxuuna mas’uul uu ka ahaa shaqaala siddeed ka kooban, inkasta oo uu horay waaya aragnimo maamul uu ulahayn warbixinnada cusub oo laga sheegayo oo dhan waxay quseeyaan wixi isaga ka horreeyey.

Mr Whatson wuxuu sheegay qaar ka mid ah shaqaalaha ay wada shaqeeyaan inay shaqa tageen balse aysan jecleyn xaqiiqda shaqada loo igmada ay uga baahan tahay.

Isqabqabsiga shaqaalaha iyo isaga marki uu batay isfaham la’aantana ay sii xoogeysatay wuxuu iska tiray xilki uu hayey oo shaqa kale ayuu ka raadsaday.

Shaqaale ilaa iyo tuugnimo

Shirkadaha ayaa waxay qasaara kala kulmaan shaqaalahooda, shaqaalaha oo ku xumeynayo maamulka si ay shirkaddu u qasaaro iney xatooyo ku dhaqaaqaan.

Mrarka qaarna xiriirka aan wanaagsaneen ee shaqaalaha iyo mas’uulkooda ka dhex abuurmo waxay shaqaalaha ku kalliftaa iney dambiyo faraha la galaan, sida uu aaminsan yahay Barafasor Rosalind Searle, oo ah khabiir takhasuskeedu yahay ammaanada shirkadaha oo ka tirsan jaamacadda Glasgow.

Qof shaqaala ah oo lacag jeebka ku ridanaya

“Haddii aad dhibaatooyinka inta ay cusub yihiin aad wax ka qaban waxay arrintu iisu beddeleysaa caro qofka ku kallifeyso wax kasta oo xumaan ah inuu ku dhaqaaqo,” ayey tiri.

“Qofka shaqaalaha ah haddii uu caddaalad darro iyo wixi la mid ah uu ka tabanayo mas’uulkiisa, waa inuu isku dayaa inuu si caqli iyo xeelad leh uu dhibkaasi uga dabbaasho,” ayey tiri Barafasoor Searle warns