Kooxda Macawisleyda Oo Al-Shabaab Ka Furtay Hub Iyo Gaadiid-Dagaal Kadib Dagaal Culus Oo Maanta dhex Maray.

0
210

Kooxda Macawiisleyda Layiraahdo ayaa lagu soo waramayaa in Dagaal Xoogan ay saakay Aroortii hore lagaleen Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab kaasi oo ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa bilowday kadib Markii Maleeshiyadda Kooxda Macawiisleyda layiraahdo ay Weerar Ku qaadeen Fariisimo Al-Shabaabku ay ku lahaayeen Deegaan Dhaca Xadka ay wadaagaan Goboladda Hiiraan iyo Bakool.

Goob jooge ku sugan Deegaanka Ceel Cali la yiraahdo oo dhaca Xadka labada gobol ayaa Gargaar.net u sheegay in Hubka Nuucyadiisa kala duwan ay isdhaafsadeen Labada Dhinac iyadda oo uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka deegaanka inkastoo rasmiyan aan loo xaqiijin karin.

Horjoogaha Kooxda Macawiisleyda Ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin ayaa Warbaahinta u sheegay in Dagaal Culus ay kuqaadeen Fariisimaha Al-Shabaab oo ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Waxaa uu sidookale sheegay in Dagaalyahanadii Al-Shabaab oo ay weerareen ay ka furteen Hub iyo Gaadiid Dagaal gaar ahaan Nuuca Cabdi-bilaha ay soomaalidu utaqaan.

Dhanka Al-Shabaab weli kama aysan hadlin Guulaha ay sheeganayaan Kooxda Macawiisleyda iyo Dagaalka Goobta ka dhacay.

Sidookale majiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya Khasaaraha dhabta ah ee Dagaalka.