Xibsibayada Siyaasadda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Madal is-Baheysi.

0
223

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa shirar uga socday magaalada Muqdisho axsaabta siyaasadda Soomaaliya, iyadoo shirkaas looga hadlayey xaalada siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Kulamadan oo ahaa mid si xiriir ah ay u yeelanayeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ayaa la isku raacay in la sameeyo Isbaheysi ama madal ay ku mideysan yihiin xisbiyada.

Shirarkaan waxaa qeyb ka ahaa madxweynayashii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamud, kuwaas oo kala huggaamiya xisbiyada Himilo Qaran, iyo UPD.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha xisbiyada oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ay goor dhow shir jaraa’id wada jir ah ku qaban doonaan Muqdisho.

Xisbiyada la filayo in ay ku  dhawaaqaan  isbaheysiga cusub ayaa waxaa ka mid ah xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waxaana la sheegayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan saacadaha nasoo aadan.