Madaxweyne-Yaasha Puntiland Iyo Jubbaland Oo Aan Ka Qeybgaleen Shirka Muqdisho Ka Furmay.

0
212

Waxaa Maanta Magaaladda Muqdisho Ka Furmay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Kaasi oo lagu Faaqidayo Arimaha Soomaaliya Gaar ahaan siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshadda.

Shirkan Oo Goordhaw Uu Muqdisho Kafuray Ra’isul wasaare ku Xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaa uu socon doonaa Mudo labo Cisho ah sida Qirshuhu uu uyahay.

Madasha Iskaashiga Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Daahfuray.

Waxaa shirkan Ka qeybgalaya wakiilo kasocda 50-Dowladood oo kamida Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, Madaxda Gobolka Banaadir iyo Madaxda Maamul-goboleedyadda Marka laga reebo Puntiland iyo Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaanan Shirkan ku Casuumin Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Dib Loo Doortay ee Jubbaland iyadda oo sidookale Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntiland Oo Shirkan lagu Casuumayna uu Diiday.

Madaxweynaha Puntiland Saciid Candullaahi Deni

Labadan Maamul ayaa Shirkan ku seegaya Sababo la xeriira Khilaafka kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntiland Saciid Deni ayaa Sheegay in Shirkan uusan ka qeybgaleen hadii aan Lagu Casuumin Axmed Madoobe Oo Doorashadiisu Dowladdu ay Diiday sida aynu ku ogaanay Xoggo aan ka helnay Madaxtooyadda Puntiland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe

Xogo aan helnay ayaa Muujinaya in DFS ay shirkan ku Casuuntay wasiirka Maaliyadda jubbaland Balse macada in uu Shirkan yimid iyo inkale iyadda oo aan ilaa iminka uusan kamuuqan Muuqaalo Hiru-dhac ah oo Shirka Laga Soo Duubay.

Wixii kusoo kordhaa arimahan iyo Shirka Ka socda Muqdisho Waxaan idinkuugu soo Daabici Doonnaa Wararkeena Dambe insha’allh.