Jubbaland Oo Qaadacday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya.

0
241

Iyadda oo Maanta Magaaladda Muqdisho uu ka Furmay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa waxaa Shirkaas Qaadacday Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka maaliyadda maamulka Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle Oo Saxaafadda Kula Hadlaye Magaalo Xebeedka Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Marin Habaabisay Shirkan oo aysan u marin Dhabe sax ah.

Shirka Jaraa’id ee Wasiir Qalinle waxaa uu ku sheegay in DFS ay isaga ku Casuuntay Shirkan halkii la rabay in Lagu Casuumo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Warar soobaxaye ayaa sheegaye in Wasiir janan oo shirkan ku Casuuntay DFS in uu imaanayo Balse Waxaa Wasiirku sheegay in DFS aysan Marin Wado Sax ah sidaas Daraadeedna aysan Jubbaland Ka qeybgaleen.

Waxaa Maran Kuraastii Shirka iskaashiga Soomaaliya ee Matalaada Maamuladda Jubbaland iyo Puntiland kadib Khilaaf Xoogan oo Hareeye iyagga iyo DFS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Hore u qaadacday Doorashadii Dhawaan ka dhacday Magaaladda Kismaayo ee Dib Loogu Doortay Axmed Madoobe.

Balse Madaxweynaha Puntiland Saciid Candullaahi Deni oo Shirka Maanta Ka Furmay Muqdisho Lagu Casuumay ayaa Sheegay in uusan Shirkaa Tagi Doonin hadii aan lagu Casuumin Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa ay tani ka dhigan tahay in Maanta aysan jirin Cid Shirkan ku matasha Maamuladda Puntiland iyo Jubbaland oo uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka.