Xaaf Oo Wakiilashadiisa Kala Noqday Wasaarada Arimaha Gudaha Kuna Baaqay In Loo Istaago Dhismaha GM Mid Ah.

0
188

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray si weyn u siweyn uga soo horjeestay qaabka ay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib U Heshiisiinta U wajaheyso Arimaha Dib-U-Heshiisiinta iyo Doorashada Galmudug.

Xaaf waxaa uu sheegay in Wasaaradu uu kala Noqday Wakiilashadiisa isaga oo Taas ku Sababeeyey in ay Muuqato in Mudo Sedex Bilood ah aysan Wasaaradu wax Natiijo ah ka sameyn Howlihii Loo igmaday.

Is ku Dheelatirnaan Siyaasadeed, Qancin La aanta ASWJ iyo Qancin La aanta Dadka Reer Cadaado ayuu sheegay in Xaaf uu U Sababaeybayo Wakiil Kala Noqoshadiisa.

Gabagabadii Warsaxaafadeedka Kasoo Baxay Madaxweyne Xaaf ayaa Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Culimadda iyo Qeybaha Bulshadda Galmudug Loogu Baaqay in Iyagu ay ka tashadaan Aayahooda iyo sidii ay ku gaari lahaayeen Doorasho Xur iyo Xalaal Ah.

HALKAN HOSE KA DALACO WARSAXAAFADEDKA.