Waxa Ay Ku Xun Tahay Iyo Waxa Ay Ku Fiican Tahay Inaad Ahaato Qof Gaaban.

0
248

Ragga, dhirirka wey jecel yihiin, laakiin Allan Mott, oo qiyaastii 7in (18cm) ka gaaban dhirirka celceliska ah ee ragga Canada wuxuu muujiyay inuu ku qanacsan yahay gaabnidiisa, ama dhirirka uu waayay.

Waligaa maku jeclaadeen haween badan oo kaasoo jeclaaday caalamka daafihiisa kala duwan, ama haddii aad haweeney tahay inay rag dunida meelaheeda kala duwan jooga kaa helaan?

Aniga ayey taasi igu dhacday Markii aan Iskuulka dhiganayay. Mar walba oo aan imaado barxadda Iskuulka, gabdhaha iga waaweyn ayaa isoo eryan jiray, waxaana gaari jiray ilaa heer aan ordi waayo.

Marka ay isoo qabtaan laabta ayey i galin jireen, dhabankana way iga dhunkan jireen, ka hor inta aysan ii fasixin inaan ilmaha kale la ciyaaro.

Allan as a school boy

Waxaa ahaa 5 sano jir – waxaana ahaa cunuga ugu barta yar iskuulka Mee-Yah-Noh elementary ee ku yaalla magaalada Edmonton, ee ka tirsan gobolka Alberta, ee waddanka Canada.

Xitaa anigoo aad u da’ yar, waan dareemi jiray in sababta la ii jecel yahay ay tahay maadaama aan ugu yarahay carruurta kale. Laakiin arrinta aanan ogeyn waxay ahayd in hal sano ka dib xilligaa uu meesha ka bixi doono jacaylka la ii hayay oo dhan, la iiguna baddali doono wax kale oo aad uga duwan.

Waxaan ka gudbay cunugii la jeclaa, waxaana noqday wiilka ugu barta yar fasalka oo dhan. Waxaan ka caagay inaan barxadda Iskuulka tago, maadaama la igu shactireysan jiray.

Sidaas awgeed meeshii aan ciyaar ka doonan lahaa waxaan rasteynta buugaagta ka caawin jiray shaqaalaha maktabadda Iskuulka.

Allan in front of a statue of the Beatles

Markii horeba hooyadey iyo aabahay ma dheereyn.

Hooyadey dhirikeeda wuxuu ahaa 4ft 11.5in (151cm), halka aabahayna uu ka ahaa 5ft 4in.

1. Way xuntahay gaabnidu.

2. Ma jiro qof kaa dhageysanaya cabashada aan ka qabtid gaabnida.

Waxaan rabi jiray inaanan ka hadlin mowduucaas.

Dadka qaar ayaase niyadda ii dhisi jiray, inkastoo qofkooda ugu gaaban uu dhirirkiisa ahaa ugu yaraan 5ft 11in.

Allan iyo saaxiibbadiisDhirirka celceliska ah ee dumarka Canada ayaa lagu qiyaasaa 5ft 4.5in (164cm)

Waligaa qol masoo dhex gashay oo ma isqiimeysay, dhowr ilbiriqsi gudahoodna ma isku nacday?

Ragga gaagaaban ayaa si fiican u yaqaanna dareenkaas.

Mararka qaar waxaan dareemaa inaanan amni heysanin. “Laga yaabee in dadkan ay qof walba oo gaaban sidaas ula dhaqmaan.