Ciidamada XDS Oo Toogasho Ku Dilay Ruux Miino Aasaye.

0
246

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay Toogasho ku Dileen Ruux la sheegay in uu Miino ku aasaye wadada Dhinaceeda oo katirsan Al-Shabaab sida wararku ay sheegayaan.

Toogashadan ayaa timid kadib Markii Ciidamadda Xooga Dalka ay Howlgal Qorsheysan ka Fulinayeen inta u dhexeyso Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo ka Tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Arintan waxaa warfidiyeenka u Xaqiijiyey Taliyaha Qaybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Gen.Axmed Maxamed Treedisho.

Warka waxaa uu intaasi raacinayaa in ninka la toogtay uu miino ku aasayay waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan deegaanka Gololleey ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in dhagarqabahaasi miinada aasayay uu sidoo kale watay bistoolad uu doonayay in uu isku difaaco haddii la arko.

Wada Xeriirisa Muqdisho iyo Jowhar waxaa inta badan ka dhaca Qaraxyo Iyo Weeraro Toos ah oo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay la beegsadaan Ciidamadda AMISOM iyo Kuwa Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Maamulka G/Sh/Dhexe iyo Kan Hirshabelle.

Dhawaan ayey aheeyd Markii Dagaalyahano Hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay weerar dhabo gal ah kuqaadeen Ciidamo katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo wadadaa ku safraye iyadda oo ay kasii horeysay Weeraro kale oo Lagu Dilay Mas’uuliyiin katirsan Hirshabelle iyo Saraakiil Ciidan oo ku baxay Dhowr Weerar.