Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay In Uu Ka Xunyahay Khilaafka Jubbaland iyo DFS.

0
295

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa uu ka hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-Goboleedyada Dalka Gaar ahaan Jubbaland.

Gelle waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay Khilaafkaa islamarkaana ay sii sicoshadiisa Dhabar jab xoogan ku tahay Jiritaanka iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayuu ka dalbaday in labada dhinacba ay la yimaadaan Isku tanaasul iyo in ay dhameystaan Khilaafaadka Dhexdooda ah isaga oo Balanqaaday in Dowladda  Jabuuti ay Door Muuqda Ka Qaadan doonto sidii Looxalinlahaa Khilaafkan Mudada Soo jiitamaye.

Dowladda Jabuuti ayaa ah Dowladda Ugu Horeysa ee walaalka Dhaw la ah Soomaaliya iyadda oo Dhowr Shir oo dib u heshiosiineed iyo Heshiisyo Soomaaliya Waxgal u ahaa Hore Umartigalisay.