Cilmi Baadhis Lagu Odaaday Masaasadihii Dadkii Hore Ubadka Caanaha Ku Siin Jireen.

0
279

Maanta waxaan Idiin Heynaa Sheeko Ku Saabsan Masaasadihii Dadkii Hore ay Ubadkoodu Caanaha Ku Siin jireen.

Waxaa Warbixintan Lagu Ogaaday Kadib Cilmi Baaris Lasameeyey.

Waxaa laga yaabaa in Dadkeena qaar ay Aaminsan yihiin in Ubadka oo Masaasad Caano lagu siiyo ay tahay mid mardhaw soo bilaabatay Balse Kawaran Hadii Lagu Yiraahdo 3000 Oo Sano Kahor Dadkii Jiray Waagaas Ubadkoodu Masaasado ayey Curuurtoodu Caanaha Ku Siin Jireen.

 

Cadaymo cilmi baadhiseed ayaa lagu ogaaday in 3000 sano ka hor dadkii jiray ay caruurta masaasado caanaha xoolaha ku siin jireen.

Khubarada aasaarta qadiimka ah ayaa helay hadhaadiga dufan ku engegay weel dhoobo ka samaysan oo qadiim ah, taas oo cadayn dhif ah ka bixinaysa habkii caruurta loo quudin jiray cahdigii dhagaxa.

Agabkan la helay wuxu muujinayaa in caruurta naaska hooyada loogu kabi jiray caano xoolaad oo caruurtu dhakhso u kori jireen.

Nooca caanaha xoolaad ee la siin jiray lama cadday karo, waxay se u badan tahay in ay caano lo’aad iyo kuwo riyaad ahaayeen.

masaasadihii caruurta caanaha lagu siin jiraymasaasadihii caruurta caanaha lagu siin jiray

Waa caddayntii ugu horraysay ee toos ah oo muujinaysa sida ubadka waayadaa loo quudin jiray, ayay tidhi Dr Julie Dunne oo ka tirsan Jaamacadda Bristol, waxaanay intaa ku dartay in hab dhaqankaasi xoojin jiray taranka.

Qiyaastii 7,000 sano ka hor cahdigii Neolithic-ga Yurub, hab nololeedka aadamuhu si wayn buu isku bedelay.

Qadhaabsigii iyo ugaadsigiiba way dhamaadeen markii dadku beeraha barteen ee xawayaankiina carbisteen ee dhaqashada barteen.

Aadanuhu wuxu bilaabay inuu xoolo ka maalo qiyaastii 6,000 sano ka hor, laakiiin wax badan lagama oga sida ay waayadaa ahayd cunnada ubadka ay siiyaan.

.

Caddaymo hore loo hayey ayaa muujinaya in ubadkii waayadaa hore dhalan jiray ay u badan tahay in marka ay naaska hooyada jaqaan lix bilood marka dambe loo bilaabi jiray in cunto loogu dhafo caanaha naaska, laakiin cunnadu nooca ay ahayd lama garanayo.

Caruurta caana lagu siinayey masaasadahaas aan la nadiifin karin ayaa waxay muujinaysaa in ay halis weyn caruurta u keeni karayeen.

Sian Halcrow oo ka tirsan jaamacadda Otago ee New Zealand oo ka hadlayey daraasaddaa lagu baahiyey majallada Nature, ayaa sheegay in loo baahan yahay daraasaad dheeraad ah oo lagu derso caanaha xoolaha iyo cuntada waayadaa caruurta la siin jiray.