Xukuumada Soomaaliya Oo Dalka Ka Saareysa Saboolnimada.

0
248

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay wado dedaalo ay dalka uga saareyso saboolnimadda.

Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa cod dheer ku qeexay in qorshahaan uu qayb ka yahay midka 9aad ee horumarinta Qaranka.

Qorshahaas ayaa waxaa Khamiistii cod wadar ogol ah ku meel-mariyey Golaha Wasiiradda kadib markii ay u gudbisay Wasaaradda Qorsheynta.

Mr Jamaal oo wariyeyaasha la hadlay ayaa tibaaxay in qorshahaan uu qayb ka yahay midka dalka looga cafinayo deymaha caalamka looga leeyahay.

Waxaa uu sheegay in Qorshahan Uu soo socday Mudo Dheer Marxalado Fara badanna uu soo maray iyadda oo ay gacan ka geesteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah sida uu sheegay.