Madaxweyne Saciid Deni: “Hawada Soomaaliya Ma Aha Dukaan Qof Uu Leeyahay”

0
223
Madaxweynaha Puntiland Saciid Deni

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni Ayaa waxaa uu ka hadlay Arinta Laxeriirta Xayiraadda Dhinaca Duukimaadka ee Lagu soo rogay Jubbaland.

Dhawaanahanba Warsaxaafadeedyo isdeba joog ah oo la soo baxaye Xafiiska Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Go’aano looga soo saaraye Duulimaadka magaaladda Kismaayo.

Balse Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sheegay in Hawada Soomaaliya aysan aheyn Dukaan Qof Uu Leeyahay oo ay Tahay Hawo Sharci Ku dhisan Sharcina lagu maro.

Deni ayaa Nasiib Daro ku tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Laga Sugaye in iyaddu ay ilaaliso Dastuurka iyo Qawaaniinta Dalka in iyaddu ay ku Xadgudubtay.

Mar waxlaga weydiiyey in isagu uu ka Qeybgalayo Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayuu sheegay in uu Tagi doono.

“Waxaan ka Mid ahay Madaxdii Lagu Casuumay Xafladda Caleemasaarka ah, Waxaana ku tagi doonaa Diyaarad, Mana jirto Cid Diyaarada aaan la socdo Cabsi galin karta”ayuu yiri Saciid Deni.

Dhawaan ayey aheed Markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xanibtay Diyaarad uu la socday Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheakh Shariif Sheakh Axmed oo Turkiga Kayimid Muqdishana Usoo Maray si uu uga gudbo Kismaayo oo uu uga qeybgalo Caleemasaarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Shalay War kasoo baxay Jubbaland waxaa lagu sheegay in Dib loo dhigay Caleemasaarkaas Balse warsaxaafadeedka laguma Xusin Waqtiga Kale ee laqabandoono.