Sheakh Shariif Oo Raali-galiyey Reer Koofur-Galbeed.

0
240

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa raalligelin buuxda hadal ka dhan ahaa shacabka iyo maamulka K/Galbeed.

Sheekh Shariif ayaa maamulka Koonfur Galbeed ugu yeeray Bay iyo Bakool, xilli uu shalay shir jaraa’id ku qabanayey gudaha magaalada Muqdisho

Dad badan ayaa ka carooday hadalkaasi, gaar ahaan kuwa soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

“Waxaan rabaa inaan ka cudurdaarto hadal maanta aan si u iri, si kalena laga yaabo in loo qaatay oo ahayd markii aan magacyada maamul goboleedyada tirinayay oo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed aan iri Bay iyo Bakool. Ujeedkeygu wuxuu ahaa Koonfur Galbeed Mahadsanidiin..” ayuu yiri Sheekh Shariif.