Runta Ku Saabsan Cunista Ukunta.

0
298

Haddii ay jirto cunto aad u wanaagsan, ukunta waxay noqoneysaa midda ugu sareysa. Markasta waa diyaar, way fududahay in la kariyo, way qiimo jaban tahay, waxaana ka buuxo nafaqooyiin kala duwan.

“Ukunta waxay tahay shay ka wanaagsan cunto kasta, waxayna kobcisaa unugyada jirka. Waxay si muuqata uga sameysan tahay nafaqo aad u badan,” ayuu yiri Christopher Blesso, oo ah bare jaamacadeed oo dhiga nafaqeynta arrimaha seyniska ee jaamacadda Connecticut, ee Mareykanka.

In aan cunno ukun ay lagu daray cuntooyiin kale waxay jirkeena ka caawinayaan in aan helo fitamiino kala duwan. Tusaale ahaan, Cilmi baaris ayaa sheegtay in ukun aan ku darsano saladh aan ka heleyno fitamiin E aad badan.

Balse, muddo tobannaan sano ah, cunidda ukunta waxay noqotay mid muran dhalisa, taas oo ay ugu wacan tahay kolesteroolka badan ee ku jira – oo dhowr cilmi baaris ay la xiriiriyeen halista ah in ay sare u kacaan xanuunada ku dhaca wadnaha.

Hal xabo oo ukun ah waxaa ku jira qiyaas ahaan 185 miligaran oo kolestorool ah, taas oo ah kala bar 300mg ee la qaadan karo halkii maalin, midaa oo ahayd arrin ay illaa dhowaan ay dhiiragelineysay hay’adda cuntada Mareykanka.

Taas micneheedu ma wuxuu yahay in ukunta ay inoo tahay cuntada ugu wanaagsan, sidoo kale mid xaqiiqdii dhibaato inoo geysaneysa?

Kolestoroolka oo ah dufin jaalle ah oo ay soo saaraan keliyaha iyo xiidmaha, waxaa laga heli karaa unugyada ku jira qof kasta jirkiisa. Waxaa aalaaba u qaadanaa in ay “xun tahay”. Balse kolestoroolka waxay muhiim u tahay dhismaha qeybaha unugyada xuubka jirka. Sidoo kale waxaa u baahan korkeena si fitamiin D ay uu u sameysmo, iyo hannaanka difaaca jirka.

Jirkeena wuxuu iskiis u sameystaan kolestoroolka uu u baahan yahay, waxaanna sidoo kale ka helnaa waxyaabaha aan cunno sida hilibka lo’da, ukunta iyo qaar ka mid ah noolayaasha badda, waxaan si la mid ah ka helnaa farmaatada iyo burcadka.

A beef steak over a flame grill

Kolestorool waxaa gudbiya qeyb ka mid ah dufinka jirkeena ku jira ee xinjiraha dhiigga. Qof kasta wuxuu leeyahay waxyaabo u gaar ah oo dufinkaas ka mid ah, waana mid shaqsiyadeed sida ay uga qeyb qaadato in ay halis wadna xannuun ah qofka ku sababto.

Cufnaanta hooseysa ee dufinka loo garanayo LDL ee kolestoroolka – wuxuu noo soo gudbiyaa “dhibaato” kolestorool ah – taas oo ka timaada kelida una gudubta halbowlayaasha iyo xuubka cad ee jirka. Cilmi baarayaasha waxay sheegeen in taas ay saameyn karto kolestorool dhexgala xididada, ayna sare u qaaddo halista ka dhalata cudurrada wadnaha.

Balse baarayaasha caafimaadka si dhab ah uma aysan wada xiriirin in cunidda waxyaabo kolestoroolka leh ay sare u qaadayaan xannuunada ku dhaca wadnaha. Natiijo ahaan, talooyiinka qaabka cunatada Mareykanka waalaga saaray in la xakameeyo kolestoroolka; sidoo kale midda UK ayaa laga saaray.

Taasi bedelkeeda waxay ku talinayaan in aan xadidno qiyaasta cuntada dufinka leh ee aan cuneyno, kaas oo sare u qaadi kara halista loogu jiro xanuunada wadnaha.

Cuntooyiinka laga qaadi karo waxaa ka mid ah kuwa sida aan caadiga ahayn loo kariyay sida margarines, cuntooyiinka fudud, kuwa sida aadka ah loo dubay ama loo shiilay sida burka, hilibka digaagga iyo doolshada ama keegga.

A variety of fast foods including burgers, chicken wings, chips etc.

Sidoo kale, ukunta iyo qaar ka mid ah noolaha yaryar ee badda, waa cuntooyiinka keli ah ee kolestoroolka uu ku badan yahay, haddana aan lahayn dufin badan.

Doodda ku saabsan saameynta caafimaad ee ukunta ayaa qeyb ahaan dhan kale u wareegtay, sababtoo ah jirkeena wuxuu magdhow ka bixin karaa kolestoroolka aan cunno.

“Waxaa jiro hannaano u diyaarsan in ay kolestoroolka aan cunno uusan dhibaato geysan,” ayey tiri Elizabeth Johnson, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tufts ee Boston.

Dib u eegid 2015-kii lagu sameeyay illaa 40 cilmi baaris, Johnson iyo kooxdii kale way ku adkaatay in ay helaan cadeyn soo afjareysa xiriirka ka dhexeeya kolestoroolka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.

“Bini-aadamka wuxuu leeyahay qaabab wanaagsan ee cunidda kolestoroolka, wuxuuna jirka soo saaraa kolestorool aad yar,” ayey tiri.

A fried eggCholesterol wuxuu saameyn leeyahay marka hawo kiimiko ah ay ku darsanto – balse midda ukunta ku jirta waxay ka hortagtaa in taas ay dhacdo.

Marka ukunta laga hadlayo, kolestoroolka waxaa suuragal ah in uu yareeyo halista caafimaad. Kolestoroolka wuxuu dhibaato badan yahay marka uu ku dhex milmo halbowlayaasha dhiigga, balse arrintaas oo kale ma sababo kolestoroolka ku jira ukunta, ayuu yiri Blesso.

“Dadku waa in ay ka walwalaan kolestoroolka ku jira dhiigga, kaas oo ah midka sababa wadna xanuunka,” ayuu yiri Fernandez.

A hard-boiled egg sliced openHal cilmi baaris ayaa sheegtay in aad cunto hal xabo oo ukun ah ka badan maalintii in ay xiriir la yeelan karto cudurrada wadnaha

Cilmi baarayaal ayaa horraantii sannadkan daabacay, dhibaatada ukunta, in kastoo arrintaan lagu beeniyay midkale oo dhowaan laga sameeyay ukunta in aysan wax dhib ah u lahan caafimaadkeena.

Baarayaashaas waxay eegeen illaa 30 kun oo qof oo da’dooda ay tahay 17 sano, waxayna ogaadeen in wax ka badan hal ukun maalintii ay halis wadna xanuun ah keeneyso ayna sababi karto geeri.

“Waxaa kale oo aan ogaanay in hal ukun barkeed oo maalintii ah ay 6% boqolkiiba sababayso xanuun wadnaha ku dhaca iyo 8% boqolkiiba oo sare u kaca geeri ah”.

Inkastoo cilmi baaristaa ay ahayd midii ugu ballaarneyd ee xiriirisa ukunta iyo wadna xanuunka, haddana waxay ku koobneyd qiimeyn oo keli ah, mana aysan bixin cadeyn rasmi ah oo muujinaya saameynta iyo sababta.

Scrambled eggs with herbsCilmi baarisyo kale waxay ukunta sheegeen in aysan sababin cudurada wadnaha

Baaritaankaas wuxuu ka hor yimid natiijooyiinkii hore. Waxay kuwii hore qaar ka mid ah soo qaateen in ukunta ay u wanaagsan tahay caafimaadka wadnaha.

Falanqeyn hore oo lagu sameeyay illaa nus milyan qof oo Shiinaha deggan, sannadkii 2018-kii, waxaa lagu ogaaday in cunista ukunta ay yareyso cudurrada ku dhaca wadnaha.

Dadka ukunta cuna, waxay boqolkiiba 18% hoos uga dhegeysaa xanuunada wadnaha ee ku dhici lahaa, waxayna sidoo kale boqolkiiiba 28% yareyneysaa cudurka stroke-ga ee loo dhinto. Waxaa taas lagu ogaaday barbardhig lagu sameeyay kuwa aan ukunta cunin.

Ukunta wanaagsan

Inkasta oo baaritaannadaas caafimaad ay ifiyeen doodda ah saameynta uu kolestoroolka ukunta ee caafimaadkeena ku leeyahay, haddana waxaan ognahay qaabab kale oo ukunta ay ugu yeelato caafimaadkeena iyo halista cudurada.

Hal arrin waa midda ah waxa ay ukunta ka kooban tahay ee loo garanayo choline, taas oo ay suuragal tahay in ay ka hortagto cudurada Alzheimer-ka oo ah xanuun dhibaateeya xusuusta iyo shaqooyiinka kale ee maskaxda. Waxay sidoo kale difaacdaa kelida.

A poached egg on toastCholine, oo laga helo ukunta, waxay ka hortagi kartaacudurka Alzheimer.

Waxaa sidoo kale suuragal ah in ay saameyn xun yeelato. Choline waxaa gudbiya dheef-shiidka caloosha, waxayna u sii gudbisaa kelida oo sii bedesha wax loo garanayo TMAO, kaas oo ah unug lala xiriiriyo sare u kaca cudurada wadnaha.

Cilmi baarayaasha qiimeynaya cunidda ukunta iyo TMAO, waxay illaa iyo hadda ogaadeen oo keli ah in sare u kac ku meel gaar ah uu yahay TMAO. Si kastaba, TMAO waxaa lagu qiyaasaa astaanta wadna xanuunka oo ah heer gundhig ah, taas oo la ogaan karo marka dadka ay sooman yihiin.

Taasi waxay sabab u noqon kartaa marka aan ukunta cunno, in ay suuragal tahay in Choline ay saameyn faa’iido ah nagu yeelato, ayuu yiri.

“Balse choline-ka ukunta way baaba’daa umana gudubto xiidmaha jirka, haddaba ma sababi karto halis caafimaa”, ayuu hadalka ku sii daray

Two poached eggs with runny yolksJaallaha ukunta waa meesha fiican ee laga helo lutein, taas oo lala xiriirinayo caafimaadka wanaagsan ee aragga.

“Waxaa jiro laba nooc oo lutein ah oo laga helo qeybta dambe ee bu’da ama barta madow ee isha, halkaas oo ay ka difaaci karto dhibaatada iftiinka. Waxay u shaqeyneysa sida kala shaadeeyaha ifteenka buluugga ah. Iftiinka badanna wuxuu saameeyaan aragga isha,” ayuu yiri Johnson.

Iyadoo weli ay baarayaasha cilmiga caafimaadka ay isku deyayaan in ay fahmaan sababta ay ukunta inoogu leedahay saameyn kala duwan, haddana baaritaannada faraha badan ee dhowaanahan, waxay ku talinayaan in aysan dhibaato u lahayn caafimaadkeena, ayna si aad ah ugu badan tahay in faa’idooyiin caafimaad aan ka helno.

Inkastoo taa ay jirto, haddana in subax kasta aad ku quraacato ukun keligeed ma ahan arrin caafimaadka u fiican – ugu yaraan waa inaan waxyaabo kala duwan cunno sida lagu taliyay… halkii saxankaaga ukun oo keli ah ay ka buuxi lahayd.